Föräldrasupporten (somaliska/soomaali)

loogu talogalay adiga ah waalid ee u baahan taageero iyo talooyin

Taageerada waalidka waxay ku casuumaysaa adigaaga ah waalid, ama qof kale oo weyn uu muhiim ah, hagitaan iyo taageero dhinaca arrimaha khuseeya carruur iyo dhalinyaro. Waxay ku saabsanaan kartaa in la maareeyo hawlaha maalmeedka si loo helo farsamo lagula dhaqmo carruurta ku jirta xaalado kala duwan xilliga koritaanka. Waxay ku saabsanaan kartaa carruur aan wax dhagaysan, is-qabsi walaalaha ah, welwel dhowr iyo toban jirada ah ama dhibaato iskool. Ama caruur murugeysan, welwelsan, cabsanaya, ama dabeecad qalafsan. Waxaan halkaas u joognaa adigaaga leh carruur ama dhalinyaro ah da’da 0–20 sano. Waxaan kaa caawin karnaa inaad maareyso dhibaatooyinka yar iyo kuwa weyn ee dhinaca waalidnimo iyo helista dariiqyo cusub oo horey u socod ah. Waxaad nagula kulmi kartaa wada hadal gaar ah gudaha dhismayaashayada ama dhinaca wada hadal fiidyow. Waxaa xitaa lagugu soo dhaweynayaa inaad ka qaybgasho koorsooyinkayaga waalidka ee laga hadlo mawduucyo kala duwan dhinaca carruurta, dhalinyarada iyo waalidnimada.

Nala soo xiriir:

Telafoon lambar: 0920-45 45 20

Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Ii-mayl foraldrasupporten@lulea.se

Sidan uppdaterades den 15 February 2023