Unikum – Kaabadda cusub ee waxbarashada ee degmada Luleå (Somaliska)

Unikum – Kaabadda cusub ee waxbarashada ee degmada Luleå

Laga billaabo 18 Agoosto 2021 Unikum ayaa ah kaabadda cusub ee waxbarashada ee iskoollada iyo dugsiyada xannaannada ee degmada Luleå. Kaabadda waxbarashadu waxay taageeri doontaa xiriirka uu iskoolku la leeyahay waaliddiinta si aad si muuqata ula socotid horuumarka canuggaaga.

Unikum waxaad adigu ka waalid ahaan:

  • Barayaasha uga heli kartaa macluumaad
  • Diiwaanka waxbarashada gudihiisa ugala socon kartaa waxbarashada canuggaaga (dugsi xannaano)
  • Eeg qiimeynta (Iskoolka)

Xasuuso

Waxaa jirto laba si’ oo aad adigu ka waalid ahaan u adeegsan kartid Unikum, si’ ahaan waa adigoo intarneet ku adeegsanaya kumbuyuutar/sagxad akhris/ taleefan gacan ama app-ka Unikum Familj. Waxaan ku talineynaa in la isticmaalo app-ka.

Ma rabtaa in aad app-ka soo degsatid? Google Play (Android) ama App Store (iOS) ku adeegso erayga raadinta ”Unikum Familj”.

Sidee buu waalidku gudaha ku gelayaa?

Bank-Id ayuu waalidku app-ka ku gelayaa. Haddii aadan app isticmaaleyn waxaad geleysaa app-ka adigoo adeegsanaya bogga gelitaanka Unikum

Unikum App Login Select External link.

Bogga gelitaanka ka dooro degmada Luleå Waalid

Unikum luqado kala duduwan ah

Waqtiga iminka ah wuxuu app-ku jiryaa isagoo ah af-Iswiidhish iyo af-Ingiriis.
Waxaad dooran kartaa in aad heshid qoraal lagu turjumay turjumaha Google-ka. Adeeggaas laguma isticmaali karo app-ka, laakin waxaad dooran kartaa in aad taleefanka gacanta ku isticmaashid nooca barta intarneetka ee Unikum ama in aad kumbuyuutar ku gashid.

Fadlan eeg filinka billaw:

Unikum qoyska dugsiga xannaannada: https://youtu.be/-0_o5CXv6LI External link.
(FG! Isagoo af-Iswiidhish ah keliya ayuu ku jiryaa)

Unikum qoyska iskoolka: https://youtu.be/CNMNJcgM1nY External link.
(loo turjumi karaa luqado kale)

Sidan uppdaterades den 15 July 2022